Sha256: 7c9a057a99023d7aa7ce5a4711e95b1bd146bbc4e68976498d2044a6e7ed5d39

Contents?: true

Size: 1.61 KB

Versions: 7

Compression:

Stored size: 1.61 KB

Contents

Waa Halyey Soomaaliyeed, Kaasoo isku deyay in uu magaalo ku Taala Geeska Africa oo ay adagtahay in jaamacad laga sameeyo ka unkay, Runtii markii hore riyo ayay u ahayd dadka, sida uu ii sheegay Prof.Saleebaan. Laakiin Riyadaas way dhabawday oo waxay Jaamacadda Camuud noqotay Jaamacadaha Dhulka soomaalidu degto kuwooda uga sarreeya hadaanay ahaynba Tan Koowaad.
Prof.Saleebaan ii mar noo warramay anaga oo Jaamacadda Joogana ayuu yidhi "Waxaan u aadnay UAE Anagoo u yabooh tagnay barigii la aasa aasay Jaamacadda CAMUUD nin ka mid ahGanacsatadda Gobolka oo Dubai jooga ayaan ku idhi...waxaanu furaynaa jaamacad dee lacad ayaa lagaa rabaa...ninkii ayaa qoslay..kkk..wuxuuna yidhi Dee Jaamacad sow ma aha tii 10ka fooq ahayd...". Akhriste dhibaatadaas iyo kuwa ka sii qosol badan ayaa soo maray intii ay ku jireen Prof.Saleebaan iyo Saraakiisa la shaqeysa.
Prof. Saleebaan waxa uu hada ku astaysan yahay halyey Soomaliyeed oo bog cusub u furay aqoonta iyo waxbarashada umada Soomaaliyeed. Ka dib furitaankii Jaamacadda weyn Ee Camuud, waxa bilaabmay Jaamacadaha faraha badan ee maanta ka jira guud ahaan geyiga Soomaliyeed.
Prof. Saleebaan oo hogaanka wali u haya Jaamacadda Camuud, waxa uu jaamacadaasi u horseeday inay xaqiijiso guulo wax ku ool ah. Jaamacadda Camuud oo hada 10 sano jirsatay, waxa ay soo gardaadisay in ka badan 700 oo aqoon yahan, kuwaasi oo bartay laamaha kala duwan ee cilmiga. Aqoonayahanada ay Camuudi soo saartay, sida Dhakhaatiirta, Macaliminta, Dhaqaalayahanada, iyo Khubarada Beeraha iyo Culuumta Diinta maanta waxa ay ku baahsan yihiin dacalada dunida, iyaga oo adeegyo aasaasi ah u fidiya dadweyanaha ay la nool yihiin.

Version data entries

7 entries across 7 versions & 1 rubygems

Version Path
langusta-0.2.4 test/test_data/so
langusta-0.2.3 test/test_data/so
langusta-0.2.2 test/test_data/so
langusta-0.2.1 test/test_data/so
langusta-0.2.0 test/test_data/so
langusta-0.1.1 test/test_data/so
langusta-0.1.0 test/test_data/so